Xidiga laga daba dhacay ee awooda badan Tiger Shroff waqti dahabi ah ayuu ku jiraa madaama filimkiisii ugu dambeeyay War Blockbuster weyn noqday sidoo kalena aad loo amaanay qaabkii uu shaashada ula qeebsaday Superstar Hrithik Roshan waxaana muuqato in Tiger uusan rabin guushiisa filimka War kadib inuu nasto.

Haatan waxaa la arkay Tiger Shroff oo Airport Mumbai ka dhoofay wuxuuna aaday dalka Serbia si u halkaas ugu soo duubo jadwal muhiim ah oo filimkiisa Baaghi 3 qayb ka ah weliba muuqaalo Action halis ah iyo ficilo is bursi ah ayuu sameyn doonaa.

Sajid Nadiadwala oo Baaghi 3 soo saare ka ah wuxuu yiri “Serbia waxaan u dooranay inay tahay meel aflaanta Bollywood-ka horey loogu duubin waxaan rabnaa wax walbo oo aan Baaghi 3 kusoo bandhigeyno inay noqdaan kuwo ku cusub indhaha daawadayaasha sidoo kalena wey ku mahadsan yihiin dowlada Serbia sida ay noo caawisay inaan shaqo qurux badan halkaas ku qabsano.”

Filimka Baaghi 3 waxaa atirisho kowaad ka ah Shraddha Kapoor halka Ritiesh Deshmukh uu ku jilaayo Tiger walaalkiis waxaana Director ka ah Ahmed Khan oo horey mashruucan qaybtiisii labaad u sameeyay qorshana wuxuu yahay in la daawado filimkan Action-ka ah 6 Maarso 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here