Home » Baaghi 2 » Tiger Shroff oo aad uga walaacsan Baaghi 2 madaama labadiisa filim ugu dambeeyeen Flop noqdeen

Tiger Shroff oo aad uga walaacsan Baaghi 2 madaama labadiisa filim ugu dambeeyeen Flop noqdeen

Atooraha dhalinta yar Tiger Shroff waxaa u diyaarsan filimka Action-ka ah Baaghi 2 oo la daawan doono 31-da bishan Maarso waana filim siweyn loo wada sugaayo.

Tiger ayaa qirtay inuu aad uga walaacsan yahay filimkiisa Baaghi 2 marka tiyaatarada la saaro madaama labadiisa filim ugu dambeeyeen Flop noqdeen ama ganacsi ahaan guul dareesteen.

Tiger oo labadiisii filim ugu dambeeyeen A Flying Jatt iyo Munna Michael wey guul dareesteen wuxuuna xidigaan yiri “Aadban u cabsanayaa madaama labadeydii filim ee ugu dambeeyeen guul dareesteen, waxaan xasuustaa filimkeygii ugu dambeeyay ee Hit noqday inuu ahaa Baaghi (2016)”

“Si adag ayaan u shaqeeyay waxaana jeclaan lahaa in daawadayaasha Baaghi 2 soo dhaweeyaan waayo soo saare Sajid Nadiadwala ayadoon Baaghi 2 weli la daawanin ayuu ku dhawaaqay Baaghi 3 taasi oo muujineyso inay kalsooni ku qabaan shaqadeyda daawadayaashana ka heli doonaan qaybta labaad”

“Markii hore aniga ayaa is dhaliilay kadib labo guul daro xariir ah markii aan la kulmay haddana waxaan ogaaday midaas inay qalad tahay, kaliya la iiga rabo shaqo adag inaan qabto inta kalena wey iska imaan doontaa”

Baaghi 2 waxaa Director ka ah Ahmed Khan halka Disha Patani ay atirisho kowaad ka tahay sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Manoj Bajpayee, Randeep Hooda iyo Preitek Barbar.