Tiger Shroff waa xidig awood badan sidoo kalena Bollywood-ka sal dhigtay filimkiisa ugu dambeeyna War Big HIT noqday sidoo kalena darajada 200 Crore ka talaabay wuxuuna ku jiraa waqti dahabi ah balse xidigan xaqiraad ma yaqaano asigoo arin xiiso badan banaanka soo dhigay.

Tiger Shroff haatan wuxuu soo gaba gabeen rabaa jadwalka kowaad filimkiisa Baaghi 3 oo la daawan doono 6 Maarso 2019 ka hor inta uusan aadin Yurubta Bari oo qaybaha ugu muhiimsan Baaghi 3 ku duubi doono xidigan wuxuu sheegay inuusan ku wanaagsan fariimaha shactirada oo aad ugu hagar bixi karo fariinta Action-ka oo kaliya.

Madaama Tiger filimkiisii Student Of The Year 2 ka guul dareestay wuxuu sheegay in mashruucan guul wacan gaari lahaa haddii Varun Dhawan ama Ranveer Singh midkood sameyn lahaa madaama shactirada iyaga kaga wanaagsan yihiin ama doorarka dagan.

Tiger wuxuu yiri “Aniga kuma wanaagsani fariimaha shactirada ah waxaa iiga wanaagsan Varun iyo Ranveer oo daawadayaasha ka qoslin karaan weliba Student Of The Year 2 midkood hadduu sameyn lahaa wuu guuleesan lahaa, balse anigana waxan ku wanaagsanahay dhanka Action-ka oo aan daawadayaasha ku mada daaliyo xoogana saari doono sidii aan Action tayo wanaagsan u sameyn lahaa.”

Tiger Shroff ayaa la weydiiyay aflaanta 2020 ama sanadka dambe la imaan doono wuxuu yiri “Hadda Baaghi 3 ayaan ku mashquulsanahay dhameestirkiisa oo la daawan doono 6 Maarso 2020 kadibna waxaan ka hawl gali doonaa Rambo Remake oo aan qorsheeneyno 2 Oct 2020 in la daawado haddii waqtiga inuu saamaxo.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here