Superstar-ka mustaqbalka Bollywoodka Tiger Shroff ayaa la sheegaya inuu iibsaday guri cusub oo qurux iyo inuu weyn yahay lagu sheegay waana guri qaali ah balse qiimahiisa rasmiga ah uu ku iibsaday ilaa hada la ogeyn.

Xidigaan waxuu dhex dabaalanayaa guusha Filimkiisa WAR ee Blockbuster-ka noqday daqli fara badan ayaana soo galay sanadkii hore ilaa sanadkaan waxuuna la imaan doonaa mashaariic horleh xili qarash gareyaal fara badan doon doonayaan.

Wararka ayaa sheegayaan in Tiger iibsaday guri 8 qol oo jiif ah leh waxuuna rabaa qoyskiisa inee la dagaan bisha April 2020 ayeena qorsheynayaan inee u guuraan guriga cusub ee weyn.

Hooyadiis Ayesha Shroff iyo Sussanne Khan ayaa ku caawin doonaan guuritaankan halka wararka intas ku dareen naqshadeenta gurigaan uu ku caawiyay John Abraham walaalkiisa Alan.

Dhanka shaqada Tiger waxuu ka howl wadaa Baaghi 3 oo ay la jileyso Shraddha Kapoor waana qeybtii 3-aad Baaghi oo isla Shraddha la jishay halka qeybta labaad Blockbusterka noqday sanadkii hore Disha Patani la jishay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here