Xidiga awooda badan Tiger Shroff haatan wuxuu ku sugan yahay dalka Serbia asigoo duubayo filimkiisa weyn ee la wada sugaayo Baaghi 3 lana daawan doono 6 Maarso 2020 sidoo kalena Shraddha Kapoor ayaa atirisho kowaad ka ah filimkan.

Haddaba Tiger ayaa baraha bulshada qabsaday kadib markii laga soo bandhigay xili uu isku diyaarinaayo sameynta ficilo halis ah balse dadka waxaa soo jiitay in Tiger uu Baaghi 3 kusoo bandhigi doono Action-kii uu ku caan baxay atooraha Keanu Reeves ee taxanaha Matrix looga haray xitaa Tiger wuxuu wataa labiskii madoobaa ee Keenu Reeves caan ku ahaa marka uu Action-ka Matrix sameenayo.

Tiger oo taageerayaasha sii farxad galiyay wuxuu baraha bulshada kusoo qoray “Ficiladii Matrix ayaan idin xasuusinayaa ee aan Baaghi 3 kusoo bandhigaayo halkaan waa goobta duubista ka socoto ka filo Baaghi 3 Action walbo oo waali ah!”

Filimka Baaghi 3 waxaa Director ka ah Ahmed Khan halka Sajid Nadiadwala uu soo saare ka yahay sidoo kale waxaa doorar adag ku leh Ankita Lokhande iyo Riteish Deshmukh haatana duubista filimkan si heer sare ah ayay u socota mashruucana wuxuu ka mid yahay aflaanta ugu hadal heynta badan ee sanadka dambe lixdiisa bilood hore Bollywood-ka la imaan doonaan.

Waxaan sugnaaba waa wacdaraha uu shaashada ka dhigi doono Tiger Shroff oo waqti dahabi ah ku jiro madaama filimkiisii ugu dambeeyay War oo ay Hrithik Roshan isla sameeyeen Blockbuster weyn noqday sidoo kalena doorkiisa aad loogu amaanay waana xidig lagu kalsoon yahay mustaqbalka dhow awooda Bollywood-ka inuu la wareegi doono haddii uu joogtooyo aflaanta Action-ka ah oo aysan ku gaari karin jiilka maanta Bollywood-ka ka dhex muuqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here