Xidiga laga daba dhacay Tiger Shroff wuxuu taageero weyn u yahay Superstar Hrithik Roshan sidoo kalena marar badan wuxuu meel fagaaro ah ka sheegay inuu ka helo shaqada iyo hormarka uu Superstar Aamir Khan fanka Hindiya ka sameeyay balse markaan Tiger wuxuu banaanka soo dhigay jaceylka iyo xushmada uu u haayo Megastar Salman Khan oo aan horey looga baranin.

Tiger Shroff ayaa ka dhawaajiyay in Salman Khan uu yahay libaaxa Bollywood-ka sidoo kalena wuxuu sheegay inuu mustaqbalka dhow jeclaan lahaa inuu Salman la shaqeeyo madaama aabihiis Jackie Shroff aflaan badan isla sameeyeen Salman isagana ku farxi lahaa inuu Sallu shaashada kala soo muuqdo.

Tiger ayaa sidoo kale aad u amaanay Salman sidoo kalena caanimadiisa wax ka taabtay wuxuuna si kaftan ku dheehay u sheegay Salman burshaleetada ama katiinka gacanta ugu xiran haddii Page Instagram ah loo sameeyo kaligeed inay isaga ka shacbiyad badnaan doonto waana arin uu ku muujiyay sida Sallu loo jecel yahay marba haddii uu leeyahay katiinka ama sil salada Sallu gacanta ku xirto haddii Page gaar ah loo sameeyo inay isaga ka shacbiyad badnaan doonto.

Dhinaca shaqada Tiger Shroff dhawaan waxaa usoo baxay filimkiisa taxanaha Action-ka ah Baaghi 3 oo Shraddha Kapoor la sameesay waxaana Director ka ahaa Ahmed Khan halka Sajid Nadiadwala uu soo saare ka ahaa filimkan weyn. Salman Khan isagana waxaa u diyaarsan filimka Radhe: Your Most Wanted Bhai oo la daawan doono Ciidul Fitigran ama 22 May 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here