
Hrithik roshan iyo Tiger shroff ayaa waxa ay dalka india si weyn ugu qabsadayn filimkooda War kaaso si weyn loo hadal-hayo sababtoo ah filimkan waxaa lagu mideeyay labo aktar ee ka mid aktarada xiligan ugu awoodda badan
iyadoo gudaha filimkan lagu arkaayo dhawr muuqaal oo dagaal ah kaaso u dhaxeeya labadan aktar waxaana arrintaas si weyn ula yaaban gabar 4 taaso isaga si weyn u taageerta

gabadhan lagu magacaabo Navya ayaa waxa ay taageero weyn u tahay Tiger Shroff iyadoona la yaaban sababta Tiger ku kaliftay inuu shaashada kula dagaalamo shaqsiga uu weligiisa ku dayin jiray ama u taaageeri jiray ee Hrithik roshan waxaana hadalkaas baraha bulshada soo dhigay Navya aabaheeda
ka dib ayaa qoraal ugu soo jawaab celiyay aktarka Tiger Shroff kaaso dajiyay gabadhan yar
isagoona yiri midaas inuu ka xun yahay sidoo kalena u balan-qaaday inuu dhawaan la kulmi doono maadaama ay ka mid tahay taageerayaashiisa