Home » Wararka Maanta » Tiger Shroff Oo Wacad Ku Maray Inuu Door Laadarnimo Waligiis Sameyn Doonin!!

Tiger Shroff Oo Wacad Ku Maray Inuu Door Laadarnimo Waligiis Sameyn Doonin!!

Jilaaga dhalinta yar ee  la wada jecel yahay Tiger Shroff ayaa meel iska dhigay sameynta doorarka xumaanta ah ama door laadarnimo.

Tiger Shroff wuxuu yiri “Waa inaan ka fikiraa dhalinta na daawato waxay jecel yahay inay wax walbo nooga daydaan sidaa darteed waligeey muuqaal nadiif ah ayaan sameyn doonaa”

“Marnaba ma aqbali doono inaan filim door xumaan ku matalo waayo dabeecad ahaan qof nadiif ayaan jeclahay waxaana doonayaa inaan isla muuqaalkaan marwalbo shaashada ku matalo”

Tiger Shroff wuxuu qaatay go’aan ay kaga horeeyeen labada Super Star Salman Khan iyo Hrithik Roshan oo horey u sheegeen inaysan shaashada marnaba laadar ku matali doonin.