Home » Nolosha Jilaayaasha » Tiger Shroff” Waligey Uma Dabaal Dagin Maalinta Jaceylka Aduunka (Valentine’s Day) Hada Kadibna Uma Dabaal Dagaayo”

Tiger Shroff” Waligey Uma Dabaal Dagin Maalinta Jaceylka Aduunka (Valentine’s Day) Hada Kadibna Uma Dabaal Dagaayo”

 ‘

Atooraha Tiger Shroff ayaa sheegaya inuu guursaday shaqadiisa sido kalena uu aad u jecelyahay waqti walbana uu ayada uun ka fikiro balse jaceyl iyo waxyaabahas uusan fursad u heynin.

Xidigaan ayaa la weydiyay waxaa u qorsheysan maalinta barito ah maadama ay tahay maalinta jaceylka aduunka sida la sheego (Valentine’s Day).

Tiger ayaa sheegay in uusan waligiisba u dabaal dagin maalinkas sido kalena uusan hada kadibna u dabaal dagi doonin,” Waligey uma dabaal dagin maalinkan oo kale sido kale sanadkaan iyo hada kadibna uma dabaal dagi dooni, sidaa wada ogtihiin waxaan ahay qof aad u xishood badan nolosha caadiga ah marka la joogo.”

“Sidaa awged fursad uma haayo waxaan guursaday shaqadeyda ayada ayaana jeclahay oo aan xili walbo ka fikiraa” Tiger filmkiisa xiga waa Baaghi 2 kaaso la daawan doono 30 Maarso ee sanadkaan 2018.