Home » Box Office » Tiger Zinda Hai gobol walbo lacagta rasmiga ah uu ka keenay iyo halka uu hiigsanayo

Tiger Zinda Hai gobol walbo lacagta rasmiga ah uu ka keenay iyo halka uu hiigsanayo

Aqristayaasheena qiimaha badan ayaa marar kala duwan nasoo weydiiyeen filimka Blockbuster-ka weyn noqday Tiger Zinda Hia ilaa haatan gobol walbo lacagta uu kasoo xareeyay iyo darajada All Time Blockbuster waxa kaga harsan.

Waxaan jecelnahay xog saxan oo dhameestiran inaan idinla wadaagno sidaa darteed shabakada Boxoffice India waxaa haatan keedkeeda ku jiro mudo labo todobaad TZH ganacsiga rasmiga ah ee uu ka sameeyay gobol walbo kaasi oo saxan.

TZH mudo sedex todobaad ganacsigiisa waa 318.50 Crore hadii lagu daro shalay ama Jimcadiisa 4-aad ganacsiga uu sameeyay waa 320 Crore.

Balse xogta saxan ayaan ka abaari doonaa oo ah mudo labo todobaad ganacsiga uu sameeyay oo haatan si rasmi ah BOI u dajisay gobol walbo lacagaha uu ka keenay waana 291.45 Crore (Trade Figure).

Fadlan hoos kaga bogo 13-ka gobol ee lacagaha la isku raacsiiyo mudo labo todobaad TZH lacagaha uu kasoo xareeyay ee xogta saxan ah:

Mumbai wuxuu ka keenay 89.46 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Mumbia aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (104.26 Crore)

Delhi/UP wuxuu ka keenay 63.32 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Delhi/UP aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (80.22 Crore)

East Punjab wuxuu ka keenay 28.31 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka East Punjab aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (44.35 Crore)

Rajasthan wuxuu ka keenay 16.59 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Rajasthan aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (20.32 Crore)

CP Berar wuxuu ka keenay 15.28 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka CP Berard aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (19.27 Crore)

CI wuxuu ka keenay 10.97 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka CI aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (14.18 Crore)

Nizam/Andhra wuxuu ka keenay 14.59 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Nizam/Andhra aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (21.12 Crore)

Mysore wuxuu ka keenay 14.69 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Mysore aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (27.81 Crore)

Tamil N / Kerala wuxuu ka keenay 4.24 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Tamil N / Kerala aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto Dangal (13.39 Crore)

Bihar wuxuu ka keenay 10.22 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Bihar aflaanta Bollywood-ka Tiger Zinda Hai ayaa la wareegay wuxuuna kala wareegay Bajrangi Bhaijaan (8.48 Crore).

West Bengal wuxuu ka keenay 16.08 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka West Bengal aflaanta Bollywood-ka waxaa heesto PK (17.30 Crore)

Assam wuxuu ka keenay 3.64 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Assam aflaanta Bollywood-ka Tiger Zinda Hai ayaa la wareegay wuxuuna kala wareegay Bajrangi Bhaijaan (3.29 Crore).

Orrisa wuxuu ka keenay 4.06 Crore (Mudo labo todobaad), iskoorka Orrisa aflaanta Bollywood-ka Tiger Zinda Hai ayaa la wareegay wuxuuna kala wareegay Bajrangi Bhaijaan (3.75 Crore).

Imisa Gobol Ayuu TZH Iskoorka Lacagaha La Wareegay Mudo 2-Todobaad Ah:

Sedex Gobol Ayuu TZH la wareegay Iskoorka Lacagaha Gobolada Waana Bihar, Assam iyo Orrisa

Sidoo kale West Bengal waa qasab inuu la wareego iskoorkiisa marka todobaadka sedexaad lacagaha filimkaan BOI si rasmi ah u saxdo.

Sidoo kale gobolo kale ayuu la wareegi doonaa iskoorka lacagta waana wada sugeynaa arinkaan xiisaha badan iyo sida TZH uu darajada All Time Blockbuster ku hiigsanayo, waa arin xiiso badan todobaadka sedexaad ganacsigiisa marka si rasmi ah BOI u saxdo gobolada dheeraadka ah ee uu filimkaan la wareegi doono.

6 Responses to Tiger Zinda Hai gobol walbo lacagta rasmiga ah uu ka keenay iyo halka uu hiigsanayo

  1. Koshin

    January 13, 2018 at 4:30 pm

    Zaki Sxb aflaamta kale wa adigii Sii saaadalan jiray BB Ama altbi super hit hadba Ku noqonaaayo week labaaad ba faaalo kasiii bixin jirtay maxa dhacay oo kan faaalo loooga bixin waaayey mise ma qiyaaasi kartid ilaa waxa aheeed Nin sifiiiican u garfeeeeya arimaha saaadasha marka isaga maxaa ka soocay aflaamta kale Sxb mise waxa lala sugaaaya ilaaa lacagtiiisa istaaago ilaaa kuwa kale waaaa Sii sheeegi jirtaye Sxb thnks

  2. Cabdullahi

    January 13, 2018 at 5:55 pm

    Kooshin maseerka jooji waxaan dadka kashaqeeyo web taageer
    o ma ahn

  3. mcc

    January 13, 2018 at 8:49 pm

    gobolada dhamaan waxa uu ka keenay 291 mxaad uga jeedaa zxp zakarie abdi 300 weli ma gaadhin mise waa trade figure halkaa iijilci bal zxp thanks

    • Zakarie Abdi

      January 13, 2018 at 9:18 pm

      Walaal xogta si fiican u aqri waxaan dhahnay ganacsigiisa 320 Crore ayuu marayaa sedex todobaad oo lagu daray Jimcadii shalay ahayd.
      Balse 291 Crore oo ah labo todobaad ayaa si sax loo xisaabiyay gobol walbo inta uu ka keenay micnaha todobaadka sedexaad ganacsigiisa weli lama sixin 10% mana lagu darin xogtaan gobolada lacagaha uu ka keenay ka hadleyso.
      Waxan filaa inaad fahantay qoraalkeyga, ama mar labaad warbixinta si degan u aqri.

  4. maxamed yusuf

    January 14, 2018 at 4:36 pm

    shabakada waxaan ka codsanayaa inay ii sheegto natiijada flimkii waynaa ee naayak ram charan ka atoora yahay natiijada rasmiga ahyad ee uu gaadh

    thnks

    • Ali Aadan

      January 14, 2018 at 5:19 pm

      Naayak Oo Ram Charan Hogaamiye Ka Yahay waa Blockbuster Walal