Tiger Zinda Hai Iyo Isniintisa Sedexaad Ganacsiga Uu Gudaha India Ka Sameyay!!

Filmka Tiger ZInda Hai ayaa ganacsigiisa adkaa iska sii wata isagoona kaliya 25% hoos udhac sameyay marka jimciisa sedexaad lala bar bar dhigo isniintisa sedexaad.

TZH isniintisa sedexaad waxuu keenay 2.75 Crore (Trade Figure) qayaas ahaan waana ganacsi adag maadama uu isbuucisa sedexaad ku dhexjiro filmkaan mudo 18 maalmood ahna waxuu ku keenay 312 Crore kaliya gudaha India.

Waxaa muuqata in uu si dhaqsi ah ku gaari doono ganacsiga uu cimri ahaantisa sameyay filmka Bajrang Bhaijaan kaaso horey u keenay 316 Crore balse TZH wey ku adkaan doonta inuu Pk gaaro oo horey u keenay cimri ahaantisa 338 Crore.

Halkaan Hoose Kaga Bogo TZH iyo Ganacsiga Uu India Kasameyay Ilaa Haatan Sida Box-officeka India Soo Daabacday:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.41 Crore (Rasmi)

Jimcihiisa Sedexaad: 3.75 Crore (Qiyaas Ahaan)

Sabti Sedexaad – 5.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Axad sedexaad – 8.25 Crore (Qiyaasta ahaan)

Isniin Sedexaad- 2.75 Crore (Qiyaasta xili hore)

Todobaadka sedexaad – 20.25 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud: 311.73 Crore (Trade Figure) (Qiyaasta xili hore)

2 Comments

  1. awoda salman khan ma inu xita pk gariwaya ma sidasu Bollywood ugu awod badan yahay sxb zaki aamir khan sanad walba filimki keeno kan kadambeya ayu score kale Ku jabiya salman khan amir waligis ma garayo fursadi u dangal helay ayu helay TZH hadana xita sadax sano scoreki pk u yalay ayu gaari wayay xita inu gaaro filmkisa bajrangee ayu la daala dhacaya ma waxasa awod ah aamir isagan rabin ma ahane sanad walba hadi ciida gaala filim lo sari laha sanad walba score ayu jabin laha midna wu dhigi laha sxb zaki maxa sababay TZH oo sidi la oga lo so dhaweyay inu xita pk gari wayo aamir khan dadka sixir miyu kuhaysta mise tickitdada labada atoora kala sareeya oo aamir khan waa actorka highest tickit filimadisa lagu daawado dhowr jeran arkay ayado ay Ku qoran tahay filimda aamir khan tickitka kor lo qaaday iga jaahil bixiya idinko si siman uga hadlaya arintas

Comments are closed.