Maanta waa maalin qaas u ah atooraha ugu caansan dalka India Shah Rukh Khan xidigaan taageerayaashiisa adduunka ayaa u dabaal dagayaan sanad guuradiisa dhalasho oo maanta ku beegan.

Waxuu dhashtay maanta oo kale 2 November 1965 sidaa aawged maanta ayuu 54 jir noqday Shah Rukh oo ah atooraha ugu maqaamka sareeyo India marka Amitabh Bachchan laga reebo hadaba waxaan idiin kaga soo diyaarinay xidigaan macluumaad kusaabsan noloshiisa iyo wax qabadkiisa.

Qodobka 1-aad: Waa Atooraha ugu hodonsan India iyo midka labaad daafaha caalamka ugu hodonson hantidiisa waxaa lagu sheega inta u dhaxeysa $740 Million ilaa $760 Million dollarka mareykan ka ah.

shah rukh khan, srk birthday, srk birthday pics, birthday pics of shah rukh khan, shah rukh khan birthday pics, shah rukh khan birthday pictures, shah rukh khan birthday, shah rukh khan birthday photos, salman khan, shah rukh khan turns 50, shah rukh khan at 50, entertainment, bollywood

Qodobka 2-aad: King Khan Waa Safiirka Bollywoodka ee daafaha caalamka waxuuna u qaabilsan yahay arimaha muhiimka ahee Bollywoodka quseyaan hadii shir jiro hadii abaal marin jirto iyo arimo kale isaga ayaa ka qeyb gale munaasabooyinkaas isagoo Bollywoodka matalaayo xili hore ayaana masuuliyadaas loo dhiibay sababtana waxay tahay in isaga ugu caansan yahay atoorayaasha India kasoo jeedaan.

Qodobka 3-aad: Khan waxaa loo aqoonsaday atooraha ugu caansan guud ahaan atoorayaasha India taariikh ahaan soo mareen waana midka hader ugu shacbiyada balaaran daafaha caalamka marka atoorayaasha India laga hadlo.

shah rukh khan, srk birthday, srk birthday pics, birthday pics of shah rukh khan, shah rukh khan birthday pics, shah rukh khan birthday pictures, shah rukh khan birthday, shah rukh khan birthday photos, salman khan, shah rukh khan turns 50, shah rukh khan at 50, entertainment, bollywood

Qodobka 4-aad: Hees Kujirta Filimka Yes Boss waxuu SRK heeskas kaga hadlaa riyooyinkiisa uu markaas mustaqbalka ka kahaa kuwa badan ayaa maanta u rumoowen oo uu heeskas ku sheegay inuu gaari doono waana soo turjumi doonaa heeska SRK riyadiisa kaga hadlay maantana si dhab ah ugu rumoween.

Qodobka 5-aad Shaqo waxuu ka bilaaway muqaayad inuu furto waxuuna dhaxlay muqaayadaas kahor inta uusan dhaxlin ama lahaanin shirkada Filimada qarash gareysa, koox Cricket ciyaarya iyo quluubta dad weynaha badankooda ugu horeyaan muqayaadaas ayuu lahaaday kadibna inta aan so sheegnay ayuu lahaaday.

Qodobka 6-aad: Waa atooraha kaliya ee Filimkiisa tikitka iibsaday si uu u daawado waxayna dhacday markii tiyaatarada loo saaray Filimkiisa Kabhi Haan Kabhie Naa (1994) intuu tagay suuqa tikityada Filimada lagu iibsado ayuu soo iubsaday tikitka Filimkiisa tiyaatarka saarnaa wuuna daawaday Director Filimka Kundan Shah ayaa SRK Filimkaas mushaar ahaan u siiyay 25 Rupees.

Qodobka 7-aad: Waxaa la gudoonsiiyay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan oo uu ku qaatay Filimka Kuch Kuch Hota Hai (1998) shirkada Zee Cine Awards ayaa siisay biladaas balse goobtii xaflads oo kumanaan kun dad ah joogeen ayuu Salman Khan oga yeeray abaal marintiisa ku wareejiyay waxuuna yiri”Sallu ayaa iga mudan abaal marinta” kadib Salman ayaa goobta ku ilmeeyay abaal marintiina gudoomay.

Qodobka 8-aad: Maanta waa hantiile qasriyo badan leh balse nolosha waxuu soo maray mar uu laamiyada seexan jiray xaalad nololeed adag ayuu soomaray is qaraabeysiga Bollywoodka kajirayna isaga waxba kama helin oo kartidiisa ayuu heerkan ku gaaraya waxaana lamid ah oo isqaraabeysi Bollywoodka ku imaanin Akshay Kumar, Big B, Dharmendra iyo Ragg kale.

Qodobka 9-aad: SRK waxuu isku darsaday dhowr maqaam oo kala duwan oo ay kamid yihiin waa jilaaga hindiya ugu caansan, kan ugu taajirsan, jilaa kumanaan kun dartiis atoorayaal ku noqdeen iyagoo ku dayanayaan, atooraha ugu shacbiyada balaaran India inta sheegata, hadii SRK fanka ka fariisto xitaa Khans-ka kale waligood ma gaari karaan xidigaan marka xaqiiq laga hadlo oo daacad ah sababto maqaamka uu gaaray atoore gaaray maba jiro marka dhan walba wax laga baaro.

Qodobka 10-aad: Waa atooraha ugu bilada badan india in ka badan 300 abaal marin ayuu Khan ku guuleystay waayihiisa fanka hindiya isaga iyo Dilip Kumar kaliya ayaana ku guulesteen min 8 jeer abaal marinta atooraha ugu wanaagsan shirkada Filimfare waa iskoor sida loo jabiyo ay adagtahay.

Qodobka 11-aad: SRK waxuu qasri weyn ku leeyahay Dubai oo Filimada lagu duubo wuuna kireystaa macaash waali ahna wuu ka helaa sido kale qasriyo dhowr ah ayaa ugu yaalan Dubai, London iyo News York xiliyada fasaxa uu yahay ayuu nasiino iyo dalxiis ahaan u booqdaa guryihiisa.

Qodobka 12-aad: SRK waa atooraha kaliya ee kudhowaad 25 sano xiriir ah Star Power-ka atoorayaasha Top 3 soo galaayey mana jiro atoore xitaa 20 sano xiriir ah Top 3 joogay taariikh ahaan fanka hindiya micnaha kaalinta kowaad ee hogaaminta awooda (Star Power-ka) ilaa kaalinta sedexasd ayuu udhaxeeyay SRK 25 sano kudhowaad Salman Khan iyo Aamir Khan 15 sano kale ayee u baahan yihiin inee iskoorkan gaaraan waana wax aad u adag.

Qodobka 13-aad: Shah Rukh Khan halkii xaflad uu ka qeyb galaayo waxuu ku qaata $350K ilaa $400K (sedex boqol iyo konton kun dollar ilaa afar boqol kun dollar) jilayaasha kale dhamaan lacag ayee ku qaataan xafladaha arooska iyo wixii lamid ah markee tagayaan balse SRK ayaa ugu badan dhankaas lacagaha.

Qodobka 14-aad: Bollywoodka shaqsiyaadka ka shaqeyaan sida atoore, atiriisho, qarash gareeye, Director iyo wixii lamid ah seddex meelood labo meel SRK ayee taageero u yihiin aflaamtiisana wey jecel yihiin waa wax la isku raacay oo muran kujirin Waxaana lagu ogaaday jilaa walba markuu wareysi bixinaayey kana hadlaayey atooraha uu taageero inuu SRK kuSoo daraayey waana cajiib hal atoore in sidan dhan loo wada jeclaado.

Hadii aan dhahno qoraal aan ka sameyno macluumaadka jilaagan gacmaha ayaa dadka daalayaan waa atoore maqam dhanka fanka waxba u dhineen anaga Filimside ahaana marnaba ma xaqireeno maqaamka xidigaan mana ka bad badineeno inta aan idiin la wadaagnay 100% waa sax boqol jibaar inta aynan soo qorin ayaa jiraan.

Waad ku mahadsantahay waqtiga aad siisay akhrinta qormadan….

2 COMMENTS

  1. Taas wa xaqiiq oo SRK fanka hindiya isagaa anigaba I jclysiiyay mida kale 100% dadka cadaanka ah way yaqaan srk halka atoorayasha kale aanay lahayn shacbiyad sidaa u badan filim wa la gadi karaa lakin soo jiidashada ayaa haybad ah srk haybadaas ayuu actor ada kale dheer yahay runtii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here