Wadamo badan oo caalamka waxay dadaal ugu jiraan nolosha caadi inay dib ugu soo celiyaan duulimaadka si xadidan ayay u bilaawdeen, ciyaaraha kala duwan waa lasoo celiyay sidoo kalena haatan waxaa bilaawday qorshaha tiyaarada dib loogu furaayo. Sidaa darteed dalka Isku Taga Emirate-ka Carabta ama UAE waxay sheegeen in tiyaatarada dib loo furaayo todobaadkan dhamaadkiisa.

Haddaba reer Emirate waxay Khamiistan tiyaatarada ka daawan doonaan gaar ahaan tiyaatarada magaalada Dubai ku yaalo labada filim Bollywood-ka ah Good Newwz iyo Dream Girl inkastoo sanadkii hore gudaha UAE laga daawaday labadan filim haddane dib ayaa loogu soo celiyaa tiyaatarada.

Akshay Kumar wuxuu yiri Good Newwz waa filim fariin farxadeed xambaarsan sidaa darteed wuxuu u rajeeyay reer Emirate farxad gaar ahaan magaalada Dubai dadka ku nool oo uu sheegay inuu marwalbo soo booqan jiray wuxuuna ugu baaqay Khamiistan inay filimkiisa mada daalo ka dhigtaan.

Good Newwz Akshay waxaa ku wehliyeen Kareena Kapoor Khan, Kiara Advani iyo Diljit Dosanjh halka Raj Mehta uu Director ka ahaa halka filimka Dream Girl isagana Ayushmann Khurrana ku wehlisay Nushrat Bharucha waxaana lagu kalsoon yahay labadan filim in Khamiistan taariikhda tahay 11-ka June magaalada Dubia tiyaatarada ku yaalo daawadayaasha kusoo dhaweyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here