Tiyaatarada haloo badiyo ayaa ka dhacday iyo Filimka Commando 3 ganacsiga uu sameeyay 3diisa maalmood ugu horeysay.

0
2611

Filimka Commando 3 ayaa waxaa ka dhacday tiyaatarada haloo badiyo kadib markii uu ganacsi heer sare sameeyay sadaxdiisii maalmood ugu horeysay asigoona keenay 18.25 crore.

Filimkaan oo qeybihiisii hore Box Officeka ku guuldareysteen ayayse ka gadmeen dhanka TVyada ayagoona halkaas ganacsi wanaagsan ka sameeyay balse Commando 3 wuxuu doonayaa in Box Offocekana ka gadmo toogtaan asigoona qarka u aaran haatan inuu noqdo hitkii ugu horeeyay ee taxanaha Commando.

Filimkaan ayaa bilowgii waxaa la saaray 2200 oo tiyaatar balse maadaama haatan siweyn fariintiisa looga helay waxaa lasoo sheegayaa in tiyaatarada loo badin doono lana geyn doono ilaa 2550 oo tiyaatar waxaana lagu kordhin doonaa 350 tiyaatar taasoo sare u qaadi doonto ganacsiga filimkaan.

Tiyaatadaan cusub ee lagu kordhin doono filimkaan ayaa u badnaan doonaan tiyaatarada Multiplexka ee dakhliga badan laga helo waxaana haatan la sugayaa filimkaan iyo maanta oo isniin ah (maalin shaqo) sida uu isku celiyo iyo hadii uu ganacsigiisa wacan sii wadan doono.

Halkaan hoose kaga bogo Command 3 iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4.75 crore.

Sabti; 5.75 crore.

Axad; 7.75 crore.

Wadarta guud; 18.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here