Tiyaatarada la saaray lacagaha laga filan karo caqabadaha horyaalo iyo wax walba oo aad uga baahantahay Dabangg3 oo subaxaan tiyaatarada la saaray.

1
1099

Waxaa saakay aroortii tiyaatarada hindiya iyo daafaha caalamkaba la saaray filimka ugu weyn sanadkaan Bollywoodka la yimaadeen ee Dabangg3 kaasoo uu hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan waxaana ku wehliyaan Sudeep iyo Sonakshi Sinha ayadoo Salman Khan iyo Arbaz Khan ay maal galiyeen.

Filimkaan ayaa wuxuu wajahay caqabo run ah kadib markii tikidkiisa horamriska dib loo dhigay ayadoo la filaayay in maalintii axada la bilaabo mase dhicin waxaana xaalada dib udhigista taagneyd ilaa laga soo gaaray habeenkii khamiista waxayna midaas hoos u dhigtay lacagihii hordhaca ee tikidka filimkaan laga heli lahaa asigoona ugu dambeyn laga helay 11.50 crore.

Filimkaan ayaa sidoo kale wajahayo caqabad weyn taasoo ah in gobolada India intooda ugu badan uu bandow kajiro kadib shaqaaqooyin wadankaasi ka socdeen mudooyinkaan dambe ilaa haatana socdaan waxayna arinkaan hoos u dhigeysaa in shineemooyinka lasoo buuxin waayo sidaas darteed Dabangg3 lama filaayo maalmaha koowaad inuu lacago waali ah soo xareeyo.

Dabangg 3 ayaa waxaa la saaray saakay sida aan warar ku heleyno tiyaataro u dhaxeyso 4300 ilaa 4400 oo shaashad waana arin wanaagsan inkastoo uusan jabinin rikoorkii Thugs Of Hindostan kaasoo ah filimka tiyaatarada ugu badan hindiya la saaray.

Sidoo kale Dabangg3 ayaa heysto in mudo labo isbuuc ah tiyaatarada ugu badan ee Single Screenska la siiyo filimikiisa D3 wuxuuna isbuciisa labaad tiyaatarada Single Screenska kula loolami doonaa filimka Good Newws balse Good Newws asna waxaa loo badin doonaa tiyaatarada dakhliga badan laga helo ee Multiplexka taasoo reer magaalka loogu talo galay.

Ugu dambeyn filimkaan ayaa maanta laga filan karaa inuu soo xareeyo lacago u dhaxeeyo 25 ilaa 30 crore waana arin aad u wanaagsan hadii uu ganacsigaas maanta keeno asigoo waliba caqabadahaan wajahay.

Dhawaan naga fisha sheekada filimka Dabangg3 oo dhameystiran.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here