dhawr tiyaataro oo ku yaala magaalada Jaipur ayaa maalintii shalay go’aan ku qaatayn inay joojiyaan daawashada Arjun Kapoor iyo Sanjay Dutt filimkooda Panipat

iyadoo arrintaas ay qasabtay ka dib markii dadka magaalada Jaipur ay ku andacoodayn in  been abuur laga sameeyay boqortooyadii uu ka talin jiray boqorkii Bharatpur’s Maharaja Surajmal.

waxaana arrintan filimka lagu joojinaayo dawashadiisa hormuud u yihiin hogaamiyaal iyo xubno ka tirsan dowlada kuwaaso ugu horeeyaan wasiiro ka tirsan dowlada kuwaaso Director filimkan ku cambaareenayaan inuu si weyn ugu been abuuray sidoo kalena dadka fariin qaldan kaga gudbinaayo boqortooyada Bharatpur’s Maharaja Surajmal.

waxaana midaas ay qasabtay in raga qaar ee tiyaatarada ku leh magaalada Jaipur inay tiyaataradooda ka dajiyaan filimka Panipat si ay halkaas dhibaato ugu soo gaarin iyaga waxaana la kansalay dhamaan showyada ee filimkan ka dib maanta duhurkii

waana arrin caqabad ku ah filimkan weliba dhanka ganacsigiisa iyadoo arimahan oo kale ay caado ku noqotay Bollywoodka inay kusoo noqoto weliba si gaar ah dadka daga magaalada Jaipur kuwaaso hore dacwad ugu gudbiyeen dhawr filim sida Padmavaat iyo aflaamo kale kuwaaso ku eedednayaan inuu iyaga looga been abuuraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here