Tolga Saritas oo ku caan ah magaca Yaafuus kaasoo uu ku jilay doorkiisii taxanaha Soz (Balan) ayaa shalay saxaafada su’aalo weydiiyeen xili uu saaxiibtiis Zeynep Mayruk kala qeyb galayay bandhig faneed Istanbul ka dhacay.
Tolga su’aalaha laweydiiyay waxaa kamid ahaa haduu fanaan wax sawira yahay wuxuuna ku jawaabay in sawir howshiisa aheyn jiliin wax kabadana uusan qabanin balse uu bandhiga u yimid maadaama uu ka qeyb galkiisa jeclaaday.
Kadib ayay saxaafada weydiiyeen su’aal xabiibtiisa ka xishoodsiisay taasoona aheyd hadii uu qorsheynaayo inuu guursado Zeynep Mayruk balse Tolga ayaanan suaashaas kaga jawaabin wuuna iska dhago tiray asigoona socodkiisa iska sii watay.
Dhanka shaqada kadib markii uusoo dhamaaday taxanaha guusha weyn u gaaray ee Soz Tolga ayaa bisha November ee sanadkaan la imaan doono taxane cusub oo lagu magacaabo jaceylkii Farxaat iyo Siiriin.