Tolga Saritas (Yaafuus) ma hakanayo sanadkaana wuxuu la imaan doonaa taxane cusub iyo atariishada taxanahaan oo durba lagu dhawaaqay.

0
1046

Tolga Saritas waa jilaagii nooga yaabsaday taxanah Soz kaasoo socday mudo sadax sano ah guul taariikhi ahna gaaray dal iyo dibadba.

Hadaba jilaaga taxanahaas Tolga Saritas ayaa mihnadiisa jilaanimo halkiisa kasii wadan doono mana sameyn doono wax nasasho ah asigoona sanadkaan la imaan doono taxanaha la yiraahdo Ferhat ile Sirin (farxaat iyo shiiriin) kaasoona ka hadli doono qiso jaceyl oo murug badan.

Hadaba taxanahaan oo horay loo ogaa in Tolgan uu jili doono doorka Ferhat ayaa sidoo kale lagu dhawaaqay in doorka Sirin matali doonto atariishada dhalinta yare e Leyla Tanlar.

Taxanahaan ayaa waxaa soo saari doonto shirkada 03 Medya waxaana toos u baahin doono kanaalka Fox ee turkiga asigoona xalqooyinkiisa la baahin doono bisha November ee sanadkaan.

Wixii akhbaar ee ku saabsan taxanahaan iyo sheekada uu ku saabsanyahayba halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here