Ayushmann Khurrana markaan wuxuu la tirsanayaa atoorayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan madaama filimkiisa Dream Girl oo xili shaqo la daawanayo u suura gashay sedexdiisa maalmood ugu horeyso inuu soo xareeyo 43.50 Crore (Trade Figure) waana ganacsi aad u weyn oo atoore kasto sameyn karin filimkiisa sedexda maalmood ugu horeyso.

Awooda atoorayaasha waxaa lagu qiimeeyaa sedexda maalmood ugu horeyso sida ay filimka u gaddi karaan kadib filimka guushiisa iyo guuldaradiisa waxay ku xiran taha haddba sheekada sida loo dhigo ama fariinta daawadayaasha kaga helaan sidaa darteed Ayushmann Khurrana haatan waa xidig filimada ka gadi karo.

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaan kasoo xiganay keedkeeda 10-ka filim ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ugu horeyso ayadoo Dream Girl uu kaalinta 9-aad soo galay:

1. Bharat (4650 tiyaatar) – 90.47 Crore

2. Saaho (4200 tiyaatar) – 80.75 Crore (qaybta Af Hindiga lagu daawaday)

3. Kabir Singh (3100 tiyaatar) – 70.67 Crore

4. Mission Mangal (3150 tiyaatar) – 67.39 Crore

5. Total Dhamaal (3750 tiyaatar) – 60.75 Crore

6. Kesari (3550 tiyaatar) – 54.35 Crore

7. Gully Boy (3350 tiyaatar) – 50.71 Crore

8. Super 30 (3050 tiyaatar) – 50.58 Crore

9. Dream Girl (3000 tiyaatar) – 43.50 Crore

10. Kalank (4150 tiyaatar) – 40.08 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here