Top 10: John Abraham iyo 10-kiisa filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ugu horeyso

Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham filimkiisa Parmanu ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuuna keenay 20.25 Crore (Trade Figure).

Parmanu wuxuu noqday filimka 8-aad ee John sameeyo kaasi oo lacagaha ugu badan soo xareeyo balse marka laga hadlaayo filimada uu kaligiis hogaamiye ka yahay Parmanu kaliya waxaa ka lacag badan Madras Cafe sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Fadlan hoos kaga bogo John Abraham 10-kiisa filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda malamood ee ugu horeyso sida shabakada Boxoffice India keedkeeda aan kasoo xiganay:

1. Welcome Back (2015) – 50.61 Crore

2. Race 2 (2013) – 48.17 Crore

3. Housefull 2 (2012) – 40.24 Crore

4. Dishoom (2016) – 37.12 Crore

5. Desi Boyz (2011) – 25.68 Crore

6. Shoutout At Wadala (2013) – 25.63 Crore

7. Madras Cafe (2013) – 20.54 Crore John kaligiis ayaa hogaamiye ka ah

8. Parmanu (2018) – 20.25 Crore John kaligiis ayaa hogaamiye ka ah

9. Force 2 (2016) – 18.47 Crore John kaligiis ayaa hogaamiye ka ah

10. Dostana (2008) – 17.53 Crore

Xogta sare waxaan ka fahmi karnaa in John Abraham ku wanaagsan yahay filimada uu atoorayaasha kale uu la jilaayo balse kaligiis filimada uu hogaamiye ka yahay si adag aysan u gadmin.