Home » . » Top 10 Opening: Baadshaho oo kaalinta 8-aad ka galay 10-ka filim ee maalinta 1-aad lacagaha ugu badan soo xareeyeen 2017

Top 10 Opening: Baadshaho oo kaalinta 8-aad ka galay 10-ka filim ee maalinta 1-aad lacagaha ugu badan soo xareeyeen 2017

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday in Baadshaho uu kaalinta 8-aad ka galay filimada maalinta kowaad sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen.

Filimka Baadshaho wuxuu keenay maalinta kowaad 10.15 Crore (Trade Figure) waa lacagaha ay Boxoffice India soo daabacday sidoo kalena waa lacagta ay baahiyaan kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Dhinaca kale kooxda filimka Baadshaho iska leh waxay shaaca ka qaadeen in maalinta kowaad uu keenay 12.03 Crore (Producer Figure).

Sidaa darteed labada dhinac farqi 1.88 Crore ayaa u dhaxeeyo oo ay badan yihiin kooxda filimkaan iska leh lacagaha ay baahiyeen.

Shabakada Filimside waxay adeegsataa lacagaha Boxoffice India soo daabacdo sida darteed anaga waxaan adeegsan doonaa 10.15 Crore inuu Baadshaho maalinta kowaad keenay.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee maalinta kowaad sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen kuwooda Af Hindiga lagu daawaday:

  1. Bahubali 2 – The Conclusion – 40.73 Crore (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya Prabhas)
  1. Tubelight – 20.55 Crore (Salman Khan)
  1. Raees – 20.29 Crore (Shahrukh Khan)
  1. Jab Harry Met Sejal – 14.69 Crore (Shahrukh Khan)
  1. Jolly LLB 2 – 12.06 Crore (Akshay Kumar)
  1. Badrinath Ki Dulhania – 11.68 Crore (Varun Dhawan)
  1. Toilet Ek Prem Katha – 11.34 Crore (Akshay Kumar)
  1. Baadshaho – 10.15 Crore(Ajay Devgn)
  1. Half Girlfriend – 9.27 Crore (Arjun Kapoor)
  1. Jagga Jasoss – 8.21 Crore (Ranbir Kapoor)
  1. Kaabil – 8.02 Crore (Hrithik Roshan)
  1. Sachin – A Billion Dreams – 7.18 Crore (Documentry Sachin Tendulkar)
  1. Munna Micheal – 6.62 Crore (Tiger Shroff)
  1. Rangoon – 5.06 Crore (Shahid Kapoor, Saif Ali Khan)
  1. Mubarakan – 4.94 Crore (Arjun Kapoor, Anil Kapoor)