Inaba caadi Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War wuxuu Talaadadiisa kowaad keenay 27.50 Crore (Trade Figure) sidaasna wuxuu ku noqday taariikhda filimka 3-aad ee lacagaha ugu badan Talaadadiisa kowaad soo xareeyo kaliya Bahubali 2 iyo Simmba ayaa ka ganacsi badan.

Bahubali 2 maalin fasax la’aan ayuu iskoorkan dhigay halka Simmba uu ka faa’iideestay fasixii sanadkan cusub 2019 oo maalin Talaado ah kusoo beegmay. Sidoo kale filimka War wuxuu ka ganacsi badiyay mashruuca Hollywood-ka ah Avengers – Endgame kaasi oo Talaadadiisa kowaad gudaha Hindiya ka keenay 25.48 Crore (Trade Figure).

Marka aan ka hadalno filimka sanadkan 2019 soo baxeen Kabir Singh ayaa ugu ganacsi badnaa oo Talaadadiisa kowaad keenay 16 Crore balse isagana filimka War ayaa siweyn kaga talaabsaday.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan aflaanta Hindi-ga ah ama Af Hindiga lagu daawaday ee Talaadadooda kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali 2 (Hindi) – 29.78 crore ( Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday)

2. Simmba – 27.93 crore (Fasax)

3. War – 27.50 Crore (Fasax)

4. Kick – 26.82 crore (Fasax) 

5. Dangal – 22.39 crore ( Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday )

6. Sanju – 21.62 crore apprx ( Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday )

7. Tiger Zinda Hai- 21.60 crore  ( Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday)

8. Krrish 3 – 21.33 crore (Fasax)

9. Bajrangi Bhaijaan – 20.78 crore  (Fasax qeybeed)

10. PK – 19.87 crore ( Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday )

11. Toilet Ek Prem Katha – 19.23 crore (Fasax)

12. Dhoom 3 – 18.75 crore (Qiimaha tikit-ka ayaa sare loo qaaday)

13. Airlift – 17.63 crore (Fasax)

14. Kabir Singh – 16.34 crore 

15. Ek Tha Tiger – 14.87 crore (Fasax qeybeed)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here