Turkida waa tageen loomana dhawaan karo Dayaxa ayayna tagayaan iyo 10ka hadaf ee Erdogan banaanka soo dhigay

0
766

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu dayax gacmeed u diri doono dayaxa markii la gaaro sanadka 2023da.

Erdogan ayaa wuxuu ku sheegay khudbad uu jeediyay (Shalay) oo Talaado ahayd, intii lagu gudajiray shirkii hordhaca ahaa ee “Barnaamijka Hawada sare ee Qaranka” kaasoo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Ankara, wuxuu sheegay inuu Turkiga gaarsiin doono heerar sare oo ku saabsan loolanka aduunka.

Wuxuu sheegay in wadada u xaari doonaan bilowga safar ilbaxnimo, dibna usoo celin doonaan sumcadii Turkida ku lahaayeen caalamka, asigoona uga gol lahaa dowladii Cusmaaniyiinta ee Hormuudka u aheyd aduun weynaha mudo boqolaal sano ah.

Erdogan sidoo kale wuxuu sheegay iney xoojin doonaan dadaalkooda ay dib ugu soo nooleyn doonaan sharaftoodii iyo ilbaxnimadoodii, si ay markale hormuud ugu noqdaan aduun weynaha.

Erdogan ayaana wuxuu qeexay jiritaanka 10 hiigsi oo ay turkiga ku taamayaan dhanka hawada iyo cirbixiyeynta, yoolkooda ugu horeeyana uu yahay sidii ay ku gaari lahaayeen Dayaxa.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo 10kaas hiigsi ee ui Erdogan sheegay.

1-Erdogan oo ka hadlayay Hadafkooda ugu horeeyo ayaa yiri “Hadafkeenna ugu horreeya uguna muhiimsan ee barnaamijka hawada sare ee qaranku waa inaan ku guuleysano sidii aan ku gaari laheyn dayaxa markii la gaaro sanad guuradii boqolaad ee aasaaskii Jamhuuriyaddayada Turkiga kuna beegan (sannadka 2023).”

2- Erdogan ayaana hadafkooda labaad ku tilmaamay sidii lagu sameyn lahaa summad maxli ah, taasoo kula tartanta shirkadaha caalamiga ah dhanka Hormarinta satelite-ka jiilka casriga ah.

3-Hadafka sadaxaad ayaana wuxuu ku sheegay inuu yahay sidii lagu hormarin lahaa nidaamyada lagu ogaanayo goobta iyo waqtiyada gobolada Turkey.

4-Hadafka afraad waa xaqiijinta iyo damaanad qaadista sidii ay hawada sare ku gaari kahaayeen iyo aasaasida dekedda hawada ee ay dayaxgameedyada ka duulaan kuna soo dagaan.

5-Hadafka shanaad ayuu ku sheegay inuu yahay kordhinta miisaaniyada howshaan ku baxeyso ayadoo la raacayo maalgashi la xiriira dhanka barnaamijka cirbixiyeenta.

6-Waxa uu tilmaamay in yoolka lixaad uu yahay in Turkiga la gaadhsiiyo hormar ku saabsan kormeerka cilmiga xiddigiska iyo indha indheynta walxaha samada kuwaasoo laga fulinaayo dhulka korkiisa.

7-Hadafka todobaad ayaana wuxuu ku sheegay inuu yahay sidii ay ku hormarin lahaayeen nidaamka dhaqaalaha ee warshadaha soo saara agabka hawada sare ee Turkiga.

8-Hadafka 8aadna wuxuu yiri waa inaan dhisno aag loogu talagalay horumarinta tikniyoolajiyadda hawada sare.

9-Hadafkag sagaalaad ayuu ku sheegay inuu yahay hormarinta aqoonyahanada cirbixiyeenada iyo shaqaalaha howshaasi qaban lahaa.

10-Ugu dambeyn hadafka tobanaad ayuu ku sheegay inuu yahay sidii ay muwaadin Turki ah ugu diri lahaayeen Dayaxa iyo Meerayaasha aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here