Atooraha caanka ah ee bilawgii qarnigan Bollywood-ka soo galay Tusshar Kapoor ayaa baraha bulshada ugu dabaal dagay in wiilkiisa Lakkshya Kapoor ee hooyo la’aanta ah inuu 4-sano jirsaday wuxuuna ka mid yahay wiilkan caruurta jilaayaasha Bollywood-ka dhaleen ee ugu caansan.

Tusshar Kapoor wiilkan wuxuu doortay nidaamka Surrogacy inuu aabo ugu noqdo madaama wax hooyo ah uusan laheyn ama si sharci ah Tusshar xaas uma guursanin kaliya dhaqaatiir ayuu la tashtay sidii uu ubad ku heli lahaa kadibna nidaamka bacriminta oo isaga iyo haweeneey kale oo aan magaceeda la sheegay ayaa la isla fal galiyay waxaana caloosha ku aaday uurkan haweeneey lacag lagu siiyay oo aan xogtooda lasoo bandhigin kadib markii ay dhasheyna cunugan Tusshar ayaa lagu soo wareejiyay oo korsaday sidaasna aabo ugu noqday laakiin hooyo sharci ah malahan.

Tusshar xaflada uu wiilkiisa Lakkshya u shigay waxaa goob joog u ahaayeen aabihiis Superstar Jeetendra Kapoor, hooyadiis Shobha Kapoor, walaashiis Ekta Kapoor iyo cunigeeda Ravie oo isagana aabo la’aan ah madaama nidaamka Tusshar cunaga uu heesto ku dhalay isagana midkaan Ekta ku dhashay oo kaliya bacriminta ka qayb qaadatay laakiin haweeneey kale uurkeeda lagu beeray iyo nin aan la aqoonin ka qayb qayb qaatay hanaanka bacriminta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here