Twinkle Khanna, Kiran Rao, Rajkumar Rao Iyo jilayaal kale Oo Shicibka Mudaaharadayo Dhinac Ka Galeen Ayago U Doodaya Cadaalada Gabar yar La Kufsaday (+Sawiro)

Hindiya wey wada kacday meel walbana waxaa laga sameynayaa mudahaarad weyn oo looga soo horjeedo dhibkii loo geestay Asif oo ah gabar 8 jir ah.

Asif waa gabar 8 jir ah taaso lagu kufsaday mandar ku yaala Delhi waliba kooxo niman ah ayaa isugu tagaayen mudo sedex maalmod ah ayago markii dambene dileen gabadhii.

Arinkaas shaqsiyaad badan oo hindiya u dhashteen ayaa ka damqadeen oo ilaa iyo hada qalbiga xanuunaya waxaana lasameyay boorar ay ku qorantahay “Cadaalad ayaan rabnaa “ ayaa magaalada dhex deeda iyo meel walba lala dhex socdaa ayadoo qaranka iyo sharciga lagu kicinaayo arinkaan si ay wax oga qabtaan.

Hadaba qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka sida Rajkumar Rao, Twinkle Khanna, Kiran Rao, Aarav Kumar oo uu dhalay Akshay kumar, Aditi Rao Hydari, Vishal Dadlani iyo kuwa kale oo badan ayaa dhexda ka galeen shicibka mudaharaadka sameynayen maanta.

Waxaa laga soo qabtay sawiro xili ay kudhex jiraan shicibka qaarkodna boorar sitaan, halkaan hoose ka daawo…