Atirishada Twinkle Khanna waa qof dabci ahaan ka sameesay inay muran dhexda ka gasho sidoo kalena fikirkeeda wax walbo ku cabirto ayadoo ka cabsanin muranka ay dhexda ka gali karto inta badana baraha bulshadaa xidigtaan qof walbo seefteeda wey asiibtaa.

Hadaba Twinkle Khanna oo u dhaxdo Super Star Akshay Kumar markeeda ayaa laga careysiiyay kadib markii qof uu ku dhahay “Waxaad u egtahay ama laguugu soo qabanaa muuqaal ahaan Akshay Kumar jaceylkiisii hore Raveena Tandono!”

Aqristayaal qofka Twinkle Khanna duray waa Arunachalam Murugantham nink sheekadiisa filimka Padman ee Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay looga hadlaayay.

Twinkle Khanna ayaa sheekadan banaanka soo dhigtay madaama filimka Padman iyada soo saare ka tahay waxayna tiri “Waxay igu qaadatay in ka badan sanad sidii aan ula kulmi laha Arunachalam Murugantham markii aan sheekadiisa maqaal ka qoran”

“Ugu dambeyntii dartiisa ayaa diyaarad u raacay waxaana kula kulmay magaalada Chennai mudane Arunachalam Murugantham waan wada sheekeesanay waxaana u sheegay inaan rabo in noloshiisa iyo sida uu bulshada Hindiya gaar ahaan haweenka u caawiyay inaan rabo filim ka sameeeyo”

“Wuu soo dhaweeyay balse kaftan ayuu igu tuuray wuxuuna i dhahay Raveena Tandon ayaad u egtahay!!”

“Waxaan ku fikiray inaan Arunachalam Murugantham sheekadiisa filim ka sameynin markii uu hadalkaas igu tuuray balse kaftan ayaan u qaatay haatana farxad ayay ii tahay inaan nolosha qof bulshada wax u qabtay filim ka sameenayo”

Filimka Padman oo ay Twinkle Khanna soo saare ka tahay waxaa Director ka ah R Balki Waxaa la daawaday sanadkii hore 2018 bilawgiisa waxuuna noqday mashruuc guulestay oo Akshay in badan lagu amaanay doorkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here