Home » Box Office » TZH Axadiisa sedexaad 50% ganacsigiisa ayuu sare u kacay fursad uu PK ku gaari karo ayaa soo baxday!

TZH Axadiisa sedexaad 50% ganacsigiisa ayuu sare u kacay fursad uu PK ku gaari karo ayaa soo baxday!

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai ayaa ganacsi weyn sameeyay Axadiisa sedexaad asigoo 50% sare u kac sameeyay marka lala bar bar dhigo Sabtigiisa sedexaad.

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa xili hore soo daabacday TZH axadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay oo ah 8.50 Crore (Trade Figure) qiyaasta xili hore.

TZH axadiisa sedexaad ganacsiga weyn ee uu sameeyay ayaa xaqiijisay inuu dhamaadka todobaadkan noqon doono Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan ebid soo xareeyay wuxuuna dhaafi doonaa Bajrangi Bhaijaan oo haatan 316 Crore u diiwaan gashan inuu keenay.

Sidoo kale TZH wuxuu soo celiyay rajo wanaagsan oo ku aadan inuu filimka PK ganacsigiisa 338 Crore gaari karo madaama TZH todobaadkiisa sedexaad marka uu dhameesto 320 Crore gaari doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka TZH lacagaha uu soo xareeyay mudo 17-maalmood ah qayaasta xili hore oo ay BOI soo daabacday:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.50 Crore(Qiyaas)

Jimcihiisa Sedexaad: 3.50 Crore (Qiyaas Ahaan)

Sabti Sedexaad – 5.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Axad sedexaad – 8.50 Crore (Qiyaasta xili hore)

Todobaadka sedexaad – 17.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud: 309.04 Crore (Trade Figure) (Qiyaasta xili hore)

2 Responses to TZH Axadiisa sedexaad 50% ganacsigiisa ayuu sare u kacay fursad uu PK ku gaari karo ayaa soo baxday!

  1. Daacad

    January 7, 2018 at 11:12 pm

    Filimside Filimada Puli Iyo Puli Murugan Maxaa Xariir ah oo Ka Dhaxeeyo Ma Taxane Baa Filimadaan Teeda Kale Hseeko ahaan Ma Xaa Laga Dhahay

    • Zakarie Abdi

      January 8, 2018 at 8:55 am

      Sxb Puli waa Tamil waxaa jilaayo Vijay, halka Puli Murugan uu Malayalam yahay waxaana hogaamiye ka ah Mohanalal