TZH ganacsiga uu jimcihiisa 6aad sameyay waxuu ka dhigay filmka sedexaad ee taariikh ahaan lacaga ugu badan soo xareeya!!

Filmka Tiger Zinda Hai ayaa si wacan isku celiyay jimcihisa lixaad waxuuna keenay lacago udhaxeay 60-65 Lakh waana ganacsi heer sare ah.

TZH waxuu ka faaideystay Filmka Padmaavat oo 5 gobol laga daawanin inkastoo tiyaataraa ugu badan Padmaavat la wareegay hadana TZH ganacsig wacan ee uu shalay sameyay waxaa ka saaciday Padmaavat oo laga mamnuucay daawashadisa gobolo qaar ah.

Filmka TZH waxuu kudhowyahay inuu gaaro ganacsiga PK sameyay ee ahaa 338 Crore maadama hader wadarta guud uu marayo 336 Crore.

Hubaal ahaan TZH waa filmka sedexaad ee lacaga ugu badan ka keenay gudaha India marka aflaamta Bollywoodka kaliya laga hadlo waxaana hader ka sareyaan kaliya filmada kala ah Dangal Iyo PK balse aflaamta guud ee taariikh ahaan lacaga ugu badan soo xareyaan TZH kaalinta sedexaad ayuu ka galaya hadeer.

Fadlan hoos kaga bogo TZH iyo ilaa hada gudaha India  ganacsiga uu ka  sameeyay:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.75 Crore (Qiyaas ahaan)

Jimco: 65 Lakh

Wadarta Guud – 336.06 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

1 Comment

Comments are closed.