U Gaar Ah TV-yada: Vatsal Sheth iyo Nikita Dutta oo qiiroodeen markii duubista musal salka Haasil soo idlaatay

Todobaadkan waxaa si rasmi ah loo soo idleeyay shaqada ama duubista musal salka hirgalay Haasil oo dhawaanahan siweyn loo daawanayay.

Vatsal Sheth iyo Nikita Dutta ayaa ka qiiroodeen in musal salka Haasil soo idlaaday madaama ay waqti wacan wada qaateen sidoo kalena musal salkan shaqadiisa ay soo idleeyeen.

Zayid Khan oo ah hogaamiyaha sedexaad musal salka Haasil isagana wuxuu sheegay in Vatsal Sheth iyo Nikita Dutta uu ka dhigtay walaal oo kale aadna isku fahmeen bilooyinka shaqada musal salkaan socotay sidoo kalena ay si wacan ugu soo dhaweeyeen shaqada TV-yada madaama ay kaga waaya aragsan yihiin.

Musal salka Haasil wuxuu soo bilaawday 30 October 2017 waxayna shaqadiisa soo idlaatay bilawgii todobaadkan balse xalqooyinka harsan ilaa 23-ka bishan Febraayo ayaa Sony TV laga daawan doonaa.

Musal salka Haasil 82-xalqadood ayuu kusoo idlaaday waxayna atirishada Nikita Dutta tiri “Aadban uga xumahay shaqadii quruxda badneyd ee kooxda Haasil naga dhaxeesay bilooyin inay soo idlaatay”

Vatsal Sheth oo ah hogaamiyaha musal salka isna wuxuu yiri “Walaal Zayed waaya aragnino dheeraad ah ayaan ka heelay waxaan ka rajeynaa TV-yada inaan kusii dhex jiri doontid dhamaantiida kooxda Haasil idinma iloobi dooni”

Zayed Khan oo laadar ku jilaayay musal salkaan isagan wuxuu yiri “Mahad sanidiin Nikita iyo Vatsal garabka aad igu siisay shaqada igu cusbeyd Haasil door wacan kuma lahaan laheyn hadii aadan idinka i caawin laheyn, waan ka xumahay inay shaqadeenii soo wada idlaatay”