Ugu dambeyn Aziza oo oyneyso ayaan arki doonaa iyo goosgooskii laga soo bandhigay taxanaha Hercai xalqadiisa 17aad.

0
7938

Waxaa shalay lasoo bandhigay taxanaha Hercai xalqadiisa 17aad goosgoos inta badan mid ahaa mid la isku qasay isla markaasna aanan la fahmi Karin balse waxa ugu fiican loo daawan doono ayaa ah inaad arki doontaan mudo dheer kadib Caziza oo xaalada ka xuntay isla markaasna oyneyso

Ugu horeyn Reyyan ayaa ku dhaheyso Aziza Miran beentaada wuu fahmi doonaa aargoosigana wuu ka tagi doonaa.

Dhanka kale Miran wuxuu qasriga ku celinaa Reyyan asigoo leh waa shakhsi ka tirsan reer Aslan Bey balse su’aasha waxay tahay yaa qasriga ka buriyay? Lama yaqaan.

Mida ugu dambeyso ayaa waxay tahay waa kuma qofka niqaaban ee Hazar uu la kulmaayo? Sultan? Reyyan? Mise qof kale lama yaqaano waxaana loo badinaa inuu yahay cadowga sadaxaad ee qarsoon.

Hadaba halkaan ka daawo goosgooska oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here