Rhea Chakraborty waa laxiray ugu dambeyn waxaana xabsiga utaxaabeen xafiiska la dagaalanka mukhaadaraadka (NCB) kadib labo maalmood oo su’aalo la weydiinayay. Hay’adda NCB ayaa gudbisay dacwad la xiriirta geerida jilaaga Sushant Singh Rajput.

NCB waxay xireen Rhea Chakraborty walaalkeed Showmik kaasoo qirtay inuu kaganacsado daroogada , wuxuu sidoo kale qirtay inuu weydiisan jiray Samuel Miranda inuu daroogo u keeno . Miranda ayaa sidoo kale lala xiray Showmik. Agusto 26, NCB waxay ballansatay Rhea Chakraborty, walaalkeed Showmik Chakraborty iyo kuwo kale waxayna diiwaangeliyeen dacwad sida ku xusan Qeybaha 20, 22, 27 iyo 29 ee NDPS (Mukhaadaraadka Daroogada iyo Maadooyinka Maskaxiyan).

Xafiiska xakameynta mukhaadaraadka (NCB) ayaa ka diiwaan galiyay dambiyo daroogo Rhea Chakraborty kuwaasoo laxariira kiiska dhimashada Sushant Singh Rajput.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here