Kiiska Sushant Singh Rajput oo si rasmi ah u furmay maalintuu geeriyooday maalintii ku xigtay ee ku beegneyd 15-june arimo kala nooc ah ayaa soo baxayeen marna waxaa la lahaa waa la dilay marna isagaa is dilay.

Hadaba baaritaanadii u dambeyeen ee sheybaarka waxay sheegen in Sushant isaga is dilay waayo waxay booliska kala hubsanayeen bal inee jiraan qaab xirfadeysan in jilaagan loo dilay oo qiyaanoo qarsoon kiiska kujiree nasiib xumo wax cadeyn ah lagama helin baaritaankii sheybaarka u dambeeyay.

Dhanka kale booliska ayaa qorsheynayaan inee goordhow soo xiraan kiiskan balse taa kahor waxay baaritaan ku sameyn doonaan taleefaankiisa gacanta oo lagu sheegay in laga masaxay fariimo qoraaleed iyo sawiro badan dhanka baraha bulshadana qoraalo ayaa la tirtiray.

Mahesh Bhatt ayaa suaalo laga weydiiyay kiiska Sushant halka Filimsameye Karan Johar isagana la sugaayo in goordhow booliska saldhiga ugu wici doonaan dhanka kale Kangana Ranaut iyadana waa loo balansan yahay in suaalo badan laga weeydiyo kiiskan kahor inta aan lasoo xirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here