Maal mihii ugu dambeesay Bollywood-ka waxaa siweyn la isla dhex maraayay in lamaanaha saameynta badan Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt kala gaabsadeen sidoo kalena xiriirkooda si dabiici ah u dhamaan rabo sheekadana ay kasii dartay markii la dhahay guurkoodii dhamaadka sanadkan lagu balansanaa wuu bur buray!

Laakiin sheekadan wax kama jiraan ayay kasoo qaadeen laamanahan ayagoo diidan inay saxaafada la hadlaan waxay soo adeegsadeen dadka iyaga aad ugu dhow oo war baahinta u xaqiijiyeen in RK iyo Alia weli xiriirkooda adag yahay aadna uga xun yihiin sheekadan aysan ka warqabin ee saxaafada hadal heyso kuna aadan inay kala tageen waxayna dhawaan qaadi doonaan talaabo ay dadka ugu muujin doonaan in nolol dhab ah wadaagi doonaan dab yaaqada sanadkan.

Ranbir haatan wuxuu aad ugu mashquulsan yahay xaalada caafimaad aabihiis Rishi Kapoor oo la sheegay inuu xanuunka kansarka dib ugu soo laabtay balse qoyskan beeniyeen sidaa darteed RK waqti uma heli karo lamaantiisa Alia Bhatt inuu la joogo waana halka shakiga uu ka dhashay oo ay saxaafada arkeen Alia oo dhawaanahan kaligeed ah.

Alia Bhatt iyadana waxay waqti la qaadaneysaa qoyskeeda madaama shaqo aysan jirin ama la joojiyay filim hawlihii filim jilista sidaa darteed kala maqnaan shaha lamaanahan ayaa keentay inay warbaahinta ciwaano kala tagis ah ka sameyso balse aad ayay arinkan kaga caroodeen marka ay waqti isku helaana arimo ku aadan xiriirkooda sidii ay rasmi kaga dhigi lahaayeen ayay saxaafada la wadaagi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here