Priyanka oo mararka qaar lagu naaneeso Glopal Icon atoorihii shaashad la wadaagana uu nasii leeyahay ayaa hada kahor ka dhawaajisay inee ka heshay soo jiidashada jir dhisnaanta ay heesteen Salman Khan iyo Akshay Kumar.

Sanadkii 2004 ayaa mar la qiimeynaayey quruxda iyo soo jiidashada atoorayaasha Bollywoodka markaaso Salman Khan iyo Akshay Kumae safka hore ka galeen iyo waliba atoorayaal kale oo caan ah misane liiskan kasoo muuqdeen isla sanadkaan ayee PeeCee oraahdan ka dhawaajisay.

Priyanka ayaa wareysi bixisay waxaana la weydiiyay in ay magacaawdo atooraha ugu soo jiidashada badan Bollywoodka fikir ahaanteda waxayna tiri,”aniga ahaan uma maleeyo Bollywoodka inee ku jiraan Ragg kasoo jiidasho badan Salman Khan iyo Akshay Kumar.”

Atoorayaal badan oo la xifaaltamayeen labada ay magacaawday kuma aysan qancin oraahda Priyanka maadama Ragg badan ay cagta marisay xiligaas sida Hrithik Roshan, Shah Rukh Khan, John Abraham, Arjun Rampal, Abhishek Bachchan oo dhankooda loolankan kaga jireen.

Priyanka fikirkeeda ayee ka hadashay balse waxaa xaqiiq ah in Salman Khan liiskan hogaaminayey inta kale ee aan magacaawnayna ay kusoo xigeen sida HR, Akki, John, SRK iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here