Atirishada Bollywood-ka ka tirsan Urvashi Rautela ayaa arin dad badan soo jiidatay ka dhawaajisay waxayna sheegtay marka shaqada filim jilista la isugu laabto aysan aamini karin atoorayaasha shaashada kala soo muuqanayaan madaama xidigtaan ka dhawaajisay caabuqa halista badan Coronavirus xitaa haddii laga guuleesto kalsooni daro dadka ku dhex abuuray.

Urvashi Rautela waxay tiri “Waxaan ku kalsoonahay in Coronavirus dunida ka guuleesan doonto balse is aaminaad dambe ma jiri doono haddii aan shaqada filim jilista kusoo laabto suurta gal ma noqon doonto atoore inaan toos isku dhunkano ama isku shumino waxaa qasab ah inaan maasgaro xirto anigoo afka ii xiran jilaaga aan shaashada kala soo muuqanayo shumis la wadaago!”

Sidoo kale atirishadan waxay sheegtay inay daawatay filimka Hollywood-ka ah Contagion ee sanadii 2011 soo baxay waxayna tiri “Waxaan daawaday filimka Contagion waaba filim 100% ka hadlaayo Coronavirus-ka iyo dhibaatadiisa waxaa i sii gashay cabsi daran weyna igu adkaan doontaa inaan isku soo dhawaano jilaayaasha aan shaqada wadaaga nahay xitaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato.”

Atirishada Urvashi Rautela waxaa u diyaarsan haatan filimkeeda xiga oo lagu magacaabo Virgin Bhanupriya kaasi oo la daawan doono 12-ka June 2020. Xidigan waa 26-jir taasi oo Bollywood-ka kusoo biirtay sanadii 2013 waxayna kusoo caan baxday filimkii Singh Saab The Great oo ay Sunny Deol la sameesay ayadoo 19-jir ah, kadibna waxay kasoo muuqatay aflaan kala duwan oo ay ka mid yihiin Sanam Re, Great Grand Masti, Hate Story 4 iyo Pagalpanti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here