USA Weekly Box Office: Deadpool 2 oo kaalinta 1-aad ku dhameestay todobaadkiisa kowaad

Filimka Hollywood-ka ah Deadpool 2 ayaa kaalinta kowaad ku dhameestay todobaadkiisa kowaad ee uu USA Boxoffice saaran yahay wuxuuna keenay $164.70M.

Filimka Deadpool 2 isaga ayaa hogaaminaayay USA Boxoffice intii u dhaxeesay 18 ilaa 24 Maarso 2018 wuxuuna booska kowaad kala baxay filimka mudo sedex todobaad awood ku heestay Boxoffice-ka ee Avengers: Infinity War.

Filimka Deadpool 2 oo lagu qarash gareeyay $110M hal todobaad ayuuba miisaaniyadiisa soo celiyay lacag fiicana laga helay gudaha USA oo kaliya.

Sidoo kale filimka Deadpool 2 suuqyada caalamka ganacsi heer sare ah ayuu ka sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna ka keenay $205.96M taasi oo ka dhigan ganacsigiisa guud todobaadka kowaad 55.6% suuqyada caalamka inuu ka sameeyay.

Deadpool 2 haatan wuxuu soo xareeyay $370.66M isku darkiisa gudaha USA iyo daafaha caalamka waana filim guul weyn gaaray.

Dhinaca kale filimka Avengers: Infinity War todobaadkiisa afaraad oo kaliya wuxuu gudaha USA ka keenay $38.83M kaalinta labaad ayuuna ku dhameestay todobaadka aan kasoo gudubnay.

Avengers: Infinity War haatan wadarta guud gudaha USA mudo afar todobaad ah wuxuu kasoo xareeyay $605.19M waana mashruuc guul weyn USA Boxoffice kaliya ka gaaray.

Sidoo kale Avengers: Infinity War suuqyada caalamka wuxuu ka keenay $1.23 billion taasi oo ka dhigan in 67.20% ganacsigiisa uu suuqyada caalamka ka sameeyay.

Avengers: Infinity War isku darkiisa gudaha Mareekanka iyo suuqyada caalamka haatan ganacsigiisa wuxuu marayaa $1.84 billion!