Home » . » Vaani Kapoor Oo Jaceyl Kula Jileyso Hrithik Roshan Filimka Tiger Shroff Wax Ka Jilaayo

Vaani Kapoor Oo Jaceyl Kula Jileyso Hrithik Roshan Filimka Tiger Shroff Wax Ka Jilaayo

Waxaa hori shaaca looga qaaday mashruuc weyn oo wada sameyn doonan Super Star Hrithik Roshan iyo jilaaga dhalinta yar Tiger Shroff.

Shirkada Yash Raj Films ayaa maanta si rasmi shaaca ugu qaadeen in atariishada Vaani Kapoor lagu soo daray mashruucooda weyn ee wada jilaayaan Hrithik iyo Tiger.

Sidoo kale shirkada Yash Raj Films waxay shaaca ka qaadeen in Vaani Kapoor filimkaan jaceyl la wadaagi doonto Super Star Hrithik Roshan.

Director Siddharth Anand ayaa sheegay in filimkaan looga baahan yahay kalii hal atariisho oo dhalinyar kuna xeel dheer ciyaarta waxaana la jeclaaday Vaani oo jaceyl la wadaagi doonto Hrithik roshan.

Filimkaan aan wili magaca loo bixinin wuxuu qorshaha yahay in la daawado 25th January, 2019 oo ku beegan maalinta jamhuuriyada Hindiya

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *