Vaani Kapoor waxay ku faraxsan tahay inay bilawday duubista Bell-Bottom! Vaani, oo saxiixday labo filim oo waaweyn sanadkaan sida Akshay Kumar’s Bell-Bottom iyo filmka jacaylka ee aan magaca loo bixin ee Ayushmann Khurrana, ayaa ku faraxsan inee duusho shan bilood ka dib oo uu aado Scotland si ee u bilaawdo duubista filimka Akshay.

VaaniKapoor ayaa ku wajahan Scotland iyadoo bilaabeysa lashaqeenta Akshay Kumar’s Bell-Bottom Vaani waxay tiri, “Waxaa dareemeysaa isbadal inaan bilaabay duubista filim! Ku soo noqoshada shaqada waa daqiiqad aan si aad ah u sugayay mana sugi karo inaan ugu dambeyn bilaavo duubista. Waxaan sidoo kale ka baxayaa Mumbai shan bilood ka dib oo waxaan raacayaa diyaarad aan u ku aadayo shaqada.

“Waxay noo ahayd sanad imtixaan dhamaanteen laakiin waxaan ku faraxsanahay inay wax walba si tartiib tartiib ah u bilaabanayaan maxaa yeelay waa inaan la qabsanaa xaaladdan cusub.” Vaani waxay rajeyneysaa qibradeeda duubista ee Akshay waxayna dareemeysaa inay wax badan ka baran doonto Super Star-ka xiliga duubista.

Waxay leedahay, “Tani waa markii iigu horreysay ee aan la shaqeeyo Akshay mudane waan ogahay inay runti noqon doonto mid gaar ah. Waan ogahay inaan wax badan ka baran doono. Heerkiisa oo kutaaganyahay iyo hamigiisa ku aaddan farsamadiisa waa tusaale ku dayasho mudan oo dhammaanteen ayuu dhiirrigelin inoo yahay. Waxaan rajeyneynaa, dadku inay jeclaan doonaan isku dheelitirkeena. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here