Varun Dhawan sanadii 2012 Bollywood-ka waxaa kusoo daray filim sameeye Karan Johar oo kusoo caan bixiyay filimkii Student Of The Year kadib wuxuu noqday xidig weyn oo laga daba dhacay sidoo kalena saaxiib dhow la ah Karan Johar lana shaqeeyo shirkada Dharma Productions ee Karan maamulo.

Varun Dhawan ayaa shaaca ka qaaday inuu Karan Johar ka codsaday in isaga, Alia Bhatt iyo Sidharth Malhotra u wada dhiibo filimka Dostana 2 madaama sedexdaan filimkii Student Of The Year Karan kusoo caan bixiyay 7-sano ka hor wuxuuna Varun jecleestay inay sedexdooda markale shaashada kasoo wada muuqdaan.

Laakiin Karan Johar codsigii Varun Dhawan wuxuu iska dhaga tiray wuxuuna Dostana 2 hogaamiyaal kaga dhigay Kartik Aaryan, Janhvi Kapoor iyo wiilka fanka ku cusub Lakshya dhawaana duubistiisa wey bilaaban doontaa waxaana la daawan doonaa qaybaha dambe 2020 filimkan xiisaha badan.

Karan Johar ayaa sheegay inuu codsiga Varun tixgalin lahaa balse mar hore uu doortay hogaamiyaasha Dostana 2 sidoo kalena codsigiisa uu lasoo daahay sidaa darteed Varun rabitaankiisa ahaa in isaga, Alia iyo Sidharth wada sameeyaan Dostana 2 gabi ahaanba meesha ayuu ka baxay.

Filimkan Dostana 2 qaybtiisii kowaad Dostana waxaa sanadii 2008 wada jileen Abhishek Bachchan, John Abraham iyo Priyanka Chopra sidoo kalena Bobby Deol, Kirron Kher iyo Boman Irani ayaa doorar muhiim ah ku lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here