Varun Dhawan aya aaminsan iney ku adag tahay atoorayalka xiligan jogan iney gaaran maqaamka eey ku raaxeysanayan Aamir, Salman iyo Shah Rukh Khan.

29 jirkan aya sheegey iney ku adag tahay xidigaha sanadkan soo baxayan iney gaaran maqaamka Salman, Amir iyo SRK eey gaaren. ““Maqaamka ey gaaren  Salman, Shah Rukh, Aamir iyo sido kale Akshay iyo Ajay wey adag tahay waqtigan in lagaaro .waxan aamin sanahay iney sawab utahay baraha bulshada. Dhibaatada intaa kaliya kuma eko, waqtiga la joogo dadka waxwalbo dhaqsi ayey kurabaan,” Varun aya u sheegey PTI.

Atoorahan aya sheegey waqtigan dambe tartanka kuma eko xidigaha Bollywood ka kaliya balse waxu sheegey iney tartan adag kala dhaxeeyo Hollywood ka. “lama tartameyno dadka Bollywood ka kaliya. Shacabka aya ku riyaaqayan filimo caalami. Wey adag tahay inaa ka dhex muuqatid. Dadaal badan ayan sameeya. Waqti fiican ayan hada kujira. Marabo guusha iyo guuldarada inaan hada ka fakiro. Waxan kaliya raba howsha iney socoto. “

Varun aya sheegey marwalbo uu mashruuc sameeyo, inuu wax dheeri kabarto. Waayo arag nimadiisa ey sii badato, laakinse waxu kaloo raaciye inu ahanin qof waxwalbo yaqaano. Varun aya rajeynaya mustaqbalka inu noqdo Director, laakinse waqti xaadirkan uu ku faraxsanahay shaqada uu haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here