Filomsameye David Dhawan ayaa markii ugu horeysay filim isugi keeno doono wiilkiisa Varun Dhawan iyo quruxleyda laga daba dhacay Sara Ali Khan waxuuna u sameeyn doonaa Filimka Coolie.No 1 loogu magac daray oo isla David 90-maadkii sameeyay waxaana xiligaas hogaamiyeen Govinda iyo Karisma Kapoor.

Hadaba dib u sameeynta mashruucan wey bilaawatay durba Bangkok ayaana lagu soo duubay jadwalka kowaad halka jadwalka labaad hader Mumbai duubistiisa ka socoto kooxda dhana ay wada joogaan.

Sawir laga sop xaday ayaa jiro Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan oo meesha filimka lagu duubayey wada fadhiyeen sheekadana isugu baxeyo saxaafada ayaa ku foodeysay Varun ama kula kaftantay inuu is gaad gaad ku haayo Sara Ali Khan oo ah gabadha ugu shidan Bollywoodka waqtigaan.

Sawirka oraah ayaa loo sameeyay taaso ah in Varun kudhahaayo Sara sida tan,”Sara Ali Khan maxaa sidan dhan ugu qurux badan tahay wiilal hadaa nahay waad na waaleysa qofyahay” kadibna Sara ayaa ammaantaas ka heshay qosol kaliyana ku jawaabtay maadama wax kale afkeeda kasoo bixi waayey.

Sheekadan Varun waa lasocdaa isaga iyo Sara laga sameeyay maanta ayuuna soo dhigay baraha bulshada sawirkaan internet-ka xili hore lagu wad waday waxuuna ugu magac daray mid kamid ah waqtiyadii ugu wacnaa ee uu Sara la qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here