Waxaan idiin la wadaagnay in si xan ah la iskula dhexmaraayo arooska jilaaga caanka ah Varun Dhawan iyo saaxiibtiisa Natasha Dalal waxaana la sheegay in sanadkaan isguursan doonaan hase yeeshe ma ahen war sugan.

Dhawan noloshiisa gaarka ah inta badan ma jeclo inuu ka hadlo markuu saxaafada la kulmo shalay mar uu saxaafada la kulmah isagok magaalka dhex socda waxay isku dayeen inee ka xaqiijiyaan xanta magaalka kujirta ee arooskiisa kusaabsan.

Wariye ayaa weydiiyay in xantaas xaqiiq tahay oo uu sanadkaan guursan doono hadiiba ay runtahayna uu la wasaago taariikhda saxda ah ee arooska dhacaayo.

Balse Varun ayaa is diidsiiyay ka jawaabida suaashaas waxuuna sheekada u bedelay inuu wariyihii weydiiyo caruurtiisa oo waxuu yiri,”adiga kawaran caruurtaada soo ma fiicna” kadibna gaarigiisa ayuu deg deg ku galay jilaagan ayaa ku mashquulsan howsha Filimkiisa Coolie.No1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here