Jilaaga caanka ah Varun Dhawan ayaa la sheegay inuu si dhaqsi ah kaga mid noqday 2 atoore ilaa 3 atoore ugu mushaarka badan Bollywoodka waqtigaan maadama 33 Crore noqday mushaarkiisa.

Dhawan ayaa 33 Crore ku qaadan doono Filimka Street Dancer 3D ee Remo D’souza Director-ka ka yahay waana mashruuc bishaan janaayo la daawan dono.

Mahruucan heesihiisa iyo goos gooskiisa waa laga wada helay waxaana dhiman in la daawado kaliya waana filim dance cajiib ah leh oo Varun la jilayaan xidigaha kala ah Prabhudheva, Shraddha Kapoor, Nora Fatehi iyo kuwa kale.

Dhanka kale Varun Dhawan waxuu noqon doona ama kusocdaa sidii uu ku gaari lahaa Ranbir Kapoor mushaarka uu qaato mid lamid ah maadama RK filimkiisa u dambeeyay ee Sanju 40 Crore ku qaatay.

Varun waxuu rabaa inuu Ranbir kula tartamo dhanka mushaarka oo 40 Crore inuu u dalaco ayuu doonaya midaasna wey u sahlanaan doontaa xidigaan maadama filimsameyaasha dooqoda uu yahay waana xidig aflaamta si wanaagsan u iibin karaa waqtigaan kooxaha cajaladaha qeybiyaan macaash ayee ka dhargaan marka Varun Filim tiyaatarada loo saaro.

Walaal xayeysiimaha Web-ka mid kamid ah kudhufo hadii aad awoodo abaal ayaan kaaga heynaa Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here