Varun Dhawan Oo Wacad Ku Maray In Uusan Ranbir Kaga Dayanin Hal Arin Balse Maxay Tahay!!

Xidiga saldhigtay Varun Dhawan waxuu sanadkaan la imaan doona filmkiisa Sui Dhaaga ee sida weyn loo wada sugaayo waana film markii ugu horeysay uu la shaqeeenayo atirishada Anushka Sharma.

Varun oo wareysi saxaafada siinayo ayaa la weydiyay in uu sameen doono filmada shaqsiyaad noloshoosa looga hadlayao maadama Bollywoodka fariimahaas mudadan dambe si weyn u sameenayaan.

Waxaana ka kow ah jilayaasha aflaamta noocaas ah sameenayaan Ranbir Kapoor oo la imaanayo dhamaadka bishaan filmka Sanju kaaso looga hadlaayo nolosha Sanjay Dutt.

Hadaba Varun Dhawan ayaa saxaafada u shaaciyay in uusan jecleen sameenta film qof noloshiisa looga hadlaayo hadii ay dhacdona waxuu yiri in uu sameen doono film aabihiisa David Dhawan noloshiisa loog hadlaayo kaliya in uu sameen doono.

Sidaa aawged sheeyga uusan Varun kaga dayanin Ranbir waxay tahay in shaqsi noloshiisa film laga sameeyo waxuuna hadalkiisa kusoo koobay kaliya aabihiisa in uu film noloshiisa looga hadlaayo sameen doono balse shaqsi kale waa diiday.