Sanadkan waa mid dhibkiisa iyo culeesyadiisa wato marka la eego saameynta xoogan Coronavirus-ka ku yeeshay guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan Bollywood-ka haddane waxaa lagu kalsoon yahay in xaalada caadi kusoo laaban doonto wixii ka dambeeyo bilaha June ama July.

Haddaba shabakada caanka ah Times Of India waxay soo qaadatay ama si gaar ah kaga hadashay lamaanayaasha la rajeenayo sanadkan 2020 qeybihiisa dambe inay aqal galaan ama nolosha si rasmi ah ugu midoobaan:

Varun Dhawan & Natasha Dalal: tan iyo yaraantoodii ayay saaxiibo ahaayeen labada qoyskana guurkooda wey isku fahmeen waxaa la rajeynaa in dabyaaqada sanadkan aqal galaan.

Ranbir Kapoor & Ali Bhat: lamaanahan si heer sare ah ayay isku fahmeen balse haatan waxayba noqdeen far iyo faraanti sida ay Alia u garab istaagtay Ranbir markii aabihiis Rishi Kapoor geeriyooday sidaa darteed Alia qoyska Kapoor inay ku biiri doonto wey iska cadahay dabyaaqada sanadkan.

Arjun Kapoor & Malaika Arora: lamaanahan qorshahooda wuxuu ahaa xagaagan inay aqal galaan dalka Talyaaniga bisha malabka kusoo qaataan balse uma suura galin xaalada dunida ka jirto awgeed sidaa darteed dabyaaqada sanadkan ayay guurkooda qorsheesteen sida la ogaaday.

Farhan Akhtar & Shibani Dandekar: waxay ka mid yihiin lamaanayaasha Bollywood-ka dhanka baraha bulshada ugu saameynta badan marar kala duwana dalxiis dhanka dibada ah isla aadeen qorshahoodana waa gabo gabo oo sanadkan qeybihiisa dambe ayay aqal gali doonaan.

Rohman Shawl & Sushmita Sen: Atirishada caanka ah Sushmita waxay diyaar u tahay inay nolosha la wadaagto wiilka Fashion-ka iyo model-ka ku caan baxay Rohman Shawl waxayna aqal gali doonaan dhamaadka sanadkan weliba Sushmita waxay sheegtay in labada gabdhood ay soo korsatay Renee iyo Alisah ka heleen Rohman nolosha qoyskaana uu kusoo biiri doono.

Rohan Shrestha & Shraddha Kapoor: in mudo ah lamaanahan xiriirkooda mid qarsoon ayuu ahaa balse dabyaaqadii sanadka hore ayuu banaanka usoo baxay waxayna Shraddha qoyskeeda bartay sawir qaade Rohan oo diyaar u ah lamaantiisa inuu nolosha la wadaago dhamaadka sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here