Varun Tej hadal heynta Koonfur Hindiya gaar ahaan dhanka Telugu ayuu heestaa madaama labadiisa filim uu la imaaday HIT noqdeen F2 – Fun & Frustration iyo Gaddalakonda Ganesh (Valmiki) oo haatan tiyaatarada saaran markale ayuu taageerayaashiisa ka farxiyay xidigan.

Varun Tej wuxuu si rasmi ah usoo bandhigay filimkiisa xiga ee aan magaca loo bixinin balse waxaa Director ka ah Kiran Korrapati halka Allu Venkatesh iyo Sidhu Mudda ay isla maal galinayaan haatana shaqadiisa ayaa bilaabatay filimkan sida weyn loo hadal haayo.

Varun Tej filimkiisa cusub waxaa haatan si ku meel gaar ah loogu yeeraa VT10 madaama filimkiisa 10-aad uu yahay wuxuuna ku matalaa cayaaryahan feerka ama Boxing cayaari doono waana filim uu sameyntiisa isku soo diyaariyay asigoo labo bilood tababar qaatay jirkiisana si adag usoo diyaariyay.

Varun Tej waa markii ugu horeesay ee uu filim Sports ah sameenayo waxaana la sheegay muuqalka feerka ama Boxing in dhamaadka sanadkan la duubi doono sidoo kalena jilaayaal kale ayaa lagu soo dari doonaa weliba wararka qaar waxay sheegayaan in halyeega Bollywood-ka Suniel Shetty door muhiim ah loo bandhigay laakiin weli uusan kasoo jawaab celin aqbalista sameynta mashruucan iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here