Home » Arimaha Bulshada » VIDEO: Guddoomiye Gobol oo guursaday YAXAAS, qaabkii uu arooskaasi u dhacay & Sababtii ka dambeysay

VIDEO: Guddoomiye Gobol oo guursaday YAXAAS, qaabkii uu arooskaasi u dhacay & Sababtii ka dambeysay

Guddoomiye Gobol oo u dhashay dalka Mexico ayaa wuxuu guursaday YAXAAS, xaflad aroos oo qariib ah ayaana loo dhigay.

Ujeedka Guddoomiye Goboleedkaani uu u guursaday Yaxaaska ayaa waxay tahay inuu nasiib wanaag u rajeeyo Kalluumeysatada gobolkiisa, waana caado dhaqameed laga aaminsan yahay gobolkiisa.

Yaxaaskaani wuxuu ahaa mid dhadig a, waxaana loo yaqaannaa boqoradda (The Princess), xaflad heer sarre ah ayaana loo dhigay, iyadoo Yaxaaskaan loogu soo lebisay sida gabar aroos ah oo kale.

Dadka degan gobolka Oaxaca state ee dalka Mexico ayaa waxay aaminsan yihiin in tani ay nasiib wanaag u keeneyso Kalluumeysatadooda, waxaana uu arooskaani ka dhacay magaalada Isthmus of Tehuantepec.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka yaabka leh ee arooskaas laga soo duubay.