Atiriishada Vidya Balan ayaa ka dhawaajisay hadal malaayin taageero ah ka yaabeen todobaadkan wareysi ay la yeeshteen Bollywood Hungama qeybta YouTube-ka ayee shaaca kaga qaaday arrinkaan.

Akshay Kumar iyo Taapsee Pannu ayaa ku weheliyeen Vidya wareysiga seddexdoodaba wareysi ayaa laga qaaday qeybta Vidya waxay shaaca ka qaday sida xad dhaafka ah ay u jeclaan jirtay Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan.

Waxay sheegtay in SRK yahay qofka ay ugu jeceshahay Bollywoodka waligeedna ay taageero u ahed sido kale mar xitaa iney ku fikirtay inee disho Gauri Khan oo ah xaaska SRK iyadoo arrinkaan sheegeysana waxay tiri. “Aniga inaan waalanahay waxaan is ogaaday markii aan ku fikiray dilka Gauri Khan si aan u helo SRK xiligaasna waan yaraa Bollywoodkana kuma jirin waxaana ugu wacan SRK taageeronimadii aan uhayey heerkaas inaan ku gaaray.”

King Khan waxuu Gauri guursaday markii uu Bollywoodka soo galaayey oo xaasla ayuuba ahaa xiligaas saas eetahayna waxaa jeclaadeen malaayiin gabdho ah oo dunida daafaheeda ku nool ilaa hadana xidigaan dumar doonayaan wey jiraan 53 jir haba ahaade.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here