Iskoorada abaal marinada Filimfare aad ayee u badan yihiin dhanka atiriishooyinka qeybta bilada Best Actress ama atiriishada ugu wanaagsan iskoor weyn ayaa yaalo dadka badankiisana ka warqabin.

Atiriishada caanka ah Kajol iyo habaryartewd Nutan oo iyadana ahaan jirtay atiriisho bari samaadkii ayaa ku guuleysteen min 5-jeer abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan Filimfare (Best Actress).

Waxuuna mudo sanado badan ahaa iskoor lama taabtaan ah atiriisho soo haweysata misanw qaanada ay kujiraan Kajol iyo habaryarteed lasoo gasha waa la waayey mudooyinkan haderse Vidya Balan ayaa qarka usaaran iskoorkan iyo inee ku qaanad noqoto Kajol iyo Nutan.

Vidya Balan 4-jeer hore ayee ku guuleysatay abaal marintaan haderna markii 5-aad ayee u tartameysa oo Filimkeeda Mission Mangal ayee wadata misane dooneysa inee ku hanato bilada Best Actress Filimfare sanadkaan.

Xidigtaan inta badan lama buun buuniyo qaab jiliinkeeda dahabiga ah waa atiriisho doorar badan sameysay mid walbana sidii loogu talo galay si kaweyn kaga soo baxday waa run in Box-office-ka aysan awood balaaran ku laheen sida Alia Bhatt, Deepika Padukone iyo Kareena Kapoor oo kale laakiin xaqiiq ahaan si weyn ayee isaga celin kartaa sheekada markee joogto qaab jiliin shaashada ah oo iyadaaba ka abaal marin badan.

Hoos kaga bogo 4-Filim Vidya Balan ku qaadatay abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada ugu wanaagsan (Best Actress)

1-Paa

2-Ishqiya

3-The Dirty Picture

4-Kahaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here