Vidya Balan oo mahad balaaran u dirtay Caabuqa dunida ku faafay ee Corona-Virus.

0
1801

Sida aan lawada socono aduunka oo dhan ayaa halmar istaagay misna kala xirmay kadib markii uu ka dilaacay Virus halis badan loona yaqaano Covid19 kaasoo markiisii ugu horeeyay lagu arkay gudaha wadanka China balse si xowli ah daafaha caalamka ugu faafay ilaa haatana kumanaan u geeriyoodeen.

Xili cabsida Viruskaan ay taagantahay ayay hada atariishada caanka ah ee Vidya Balan dhanka kale arinta ka eegtay ayadoona u mahad celisay Viruska Corona maadaama waxyaabo badan oo ay dadka maalinkasta iska indho tiri jireen haatan loosoo jeestay mashquulkii badnaana uu yaraaday.

Vidya ayaa tiri; Mahadsanid Corona waxaad na tustay qiimaha ay xoriyada leedahay iyo inaan waxaan doono qabsano, Mahadsanid waxaad nasiisay jaanis aan ki xalisano mashaakilkeena khaaska ah, Mahadsanid Corona waxaad qeyb ka qaadatay nadaafada ayadoo mudada bandowga jiray ay nadaafada sare u kacday hawo nadiif ahna helnay Mahadsanid Corona waxaad na tustay noloshaan ku jirnay sidey u wacneyd oo uu haatan qofkasta u xiisay noloshiisii caadiga aheyd”.

Hadaba akhristow adiga sidee u aragtaa hadalka Vidya Balan iyo mahada ay u jeedisay Viruska Corona??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here